4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2022
Madaxweyne ku xigeenadda Jubbaland iyo Galmudug oo ka horyimid Xukuumadda cusub
 

Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenadda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug ayaa ka horyimid Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse uu ku dhawaaqay maalin ka hor, iyagoo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha Daarood.

Labada madaxweyne ku xigeen ee maamulada Jubbaland iyo Galmudug Maxamuud Seyd Aadan iyo Cali Daahir Ciid ayaa kulan wadatashi ah waxay ku yeesheen Aaladda fogaan arraga ee ZOOM, kuwaas oo qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ku iclaamiyeen shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan beesha si talaabo ay kaga qaataan Xukuumadda cusub.

"Waxaan Maanta shir kuwada yeelanay aalada fogaan araga ee (Zoom) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug  Cali Daahir Ciid, Shirkaa oo aan ku lafa gurnay Xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan arimaha Bulshada Beesha Sade Mareexaan ee Deegaanada u ah Jubaland, Galmudug, Ethiopia iyo Gobolka Banaadir. Shirkaas oo si wadajir ah ku go'aaminey kuna baaqnay in la iskugu yimaado shirweyne deg-deg ah oo looga tashanayo caqabadaha ku xusan iyo sidii Beesha ay uga falcelin lahayd quursiga lagu sameeyay ee dhisida golaha wasiirda ee dowlada dhexe" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland .

Warkaan kasoo baxay labada madaxweyne ku xigeen ee maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa imaanaya, xili maalin ka hor lagu dhawaaqay liiska Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayna soo baxeen dhaliilo adag oo loo jeedinaayo Xukuumadda cusub oo wali aysan meel marin Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka ay soo saareen labada madaxweyne ku xigeen:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]