4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2022
Xisbiga UCID oo eedaymo u jeediyay Booliiska Somaliland
 

Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa Booliiska Somaliland ku eedeeyay in uu baal maray xeerka booliiska lagu dhaqo.

Xogeeyaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa booliiska ku eedeeyay in ay galeen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, intii uu socday bannaanbixii 9 Juun, isla markaana ay sharciga ka talaabsadeen.

"Qodobka 33aad ee xeerka booliisku waxa uu leeyahay 'ma bannaana fal-danbiyeed kasta oo ka dhan ah bini'adamnimada, sida jidh-dilka, maskax-dilka iyo dhamaan fal-danbiyeedyada', waxad markhaati ka tihiin iyada oo saraakiili ay dumar keeni caarka ahaa ay naaska kala dhacayaan laag" ayuu yidhi Kayse.

Waxa uu sheegay in xeerka booliisku uu hay'adda booliiska farayo in anay ku lug yeelin karin, arrimaha siyaasada isla markaana, ay dhexdhexaad u tahay dhamaan xisbiyada siyaasada Somaliland.

"Booliiska Somaliland oo naga mudan sharaf iyo qadarin waxa noo dhexeeyaa waa xeerka ... cutubka 2aad faqradiisa 5aad waxa uu leeyahay booliisku waa u adeegaha bulshada isaga oo ka madaxbannaan siyaasad, dhexna u ah xisbiyada qaranka" ayuu yidhi Kayse.

Waxa uu sheegay in marka xeerka booliiska la eego, xubin kasta oo booliis ah oo lagu helo danbi jidh-dil ah in xeerku ku ciqaabayo 5 sanno ilaa 10 sanno, waxaana uu codsaday in sharciga la horkeeno, xubnihii ciidanka ka tirsanaa ee dhibaatooyinka gaystay bannaanbixii 9 Juun.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]