4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2022
Baarlamaanka Hirshabeelle oo Maanta ansixiyay Golaha Wasiiradda Hirshabeelle

Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul goboleeda Hirshabeelle oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa ansixiyay xubnaha Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo laba cesho ka hor uu magacaabay madaxweynaha Maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

Fadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ay Maanta ku meel mariyeen Wasiiradda Hirshabeelle waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed iyo labadiis ku xigeen, waxaana fadhiga Golaha soo xaadirtay 83 mudane oo ay qeyb ka yihiin Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Guudlaawe oo ka hor hadlay Golaha Baarlamaanka ayaa ka codsaday in la ansixiyo Xukuumaddiisa oo ay hortaalo shaqo adag oo lagula xisaabtami doono.

"Waxaan balanqaadayaa golaha wasiirada marka ay guuda galaan gudashada hoolahooda ay wasaarad walba soo diyaarin doonto qorshe howled ku saleysan barnaamijka xukuumadda aad haysataan si aad ula xisaabtantaan marka loo baahdo” ayuu ka hor yiri Baarlamaanka Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Codsiga madaxweynaha kadib guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed ayaa u qaaday cod gacan taag, waxaana ogal ugu codeesay 80 mudane, halka ay saddex mudane ay diideen in ay u codeeyaan Golaha Wasiirada.

Golaha wasiiradda ee Maanta ansixiyeen Baarlamaanka Hirshabeelle ayuu magacaabay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen labo sano kadib markii loo doortay xilka madaxtinimada Hirshabeelle 1-dii bishaan Agoosto ee sanadkan 2022.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]