3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2022
Haweeney Soomaali ah oo lacago dibadda uga soo diri jirtay Alshabaab oo lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah
 


Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Haweeney Soomaali ah, oo haysata dhalashadsa Holland ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay lacago boqolaal dollar ah ugu deeqday kooxda Al-Shabaab.

Xukunka lagu riday Farhia Hassan, oo 38-jir ah, ayaa aad uga yar 8-dii sano oo ay dalbadeen dacwad oogayaasha.

Horraantii sanadkan ayay xeerbeegti ka tirsan maxkamadda degmada Alexandria ee dalka Mareykanka ku xukuntay in ay maleegaysay in ay taageero maadi ah siiso Alshabaab.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay ka mid ahayd ilaa 15 haween ah oo si joogta ah lacago yar udiri jiray si ay u taageeraan Al-Shabaab.

Isku soo wada duuboo, dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay ku deeqday ilaa $300 muddo saddex sano ah.

Haweeneydan, oo leh lix carruur ah, ayaa magangelyo ka heshay Nederland, iyadoo dhallinyaro ah, waxayna degtay magaalada Terneuzen.  

Markii hore waxa ay ka dagaalantay in loo diro xabsi  7 sano ah, ka hor inta aan la keenin Mareykanka si ay u wajahdo maxkamad.












Click here
8/3/2022 11:14 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa Booliiska Somaliland ku eedeeyay in uu baal maray xeerka booliiska lagu dhaqo.

8/3/2022 9:38 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul goboleeda Hirshabeelle oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa ansixiyay xubnaha Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo laba cesho ka hor uu magacaabay madaxweynaha Maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

8/3/2022 8:44 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Culimada dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa kullan ay isugu yimaadeen oo uu goob joog ka ahaa madaxweyne Mustafe Cagjar, waxay ku cambaareeyeen duullaankii ururka Alshabaab uu kusoo qaaday gobolka Afdheer.

8/3/2022 7:23 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay dhigaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.

8/3/2022 7:16 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war ay warbaahinta Somali Dispatch, ku sheegtay in xukuumada Somaliland si qasab ah ku masaafurisay 34 qof oo Itoobiyaan ah.

8/3/2022 7:06 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Hay’adda dambi baarista dalka Kenya ayaa waxay gacanta ku dhigtay nin si aad ah looga baadi goobayay Kenya.

8/3/2022 5:32 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

8/3/2022 2:42 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaan jiray Alshabab, uu kamid noqdo golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.