4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay weerar khasaare geystay oo Xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo
 

Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan karaash oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay magaalaa Gaalkacyo ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida askariga ku dhintay weerarka, isagoona caafimaad u rajeeyay dhaawacyada soo gaaray Taliyaha iyo Nabadoon Cabdisamad.

Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay iney tahay wax laga xumaado weerarkii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo uu ku tilmamay inuu yahay mid lidi ku ah amniga iyo nabadgalyada gobolka.

”Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah” ayuu yiri Axmed Karaash.

Ku simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ayaa sidoo kale sheegay inuu magacaabay guddi soo baara dhacda weerarkaas, islamarkaana cid walba oo falkaasi ku lugyeelata laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Dhacdada weerarka ah ee xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid saaka ay siweyn u hadal hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online