
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Warar ka imaanaya degmada Cabdicasiis ee
magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu goordhaw ka
dhacay agagaarka xeebta liido ee magaalada Muqdisho.
newsinsideQaraxa
ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu yahay mid Ismiidaamin ah
oo uu fuliyay ruux naftii hure ah ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan
degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegaya inuu qaraxa
geystay khasaare kala duwan.
Waxaa
sidoo kale lasoo warinaya in qaraxa uu ka dhacay Maqaayada lagu
magacaabo Pescatore Sea Food oo ah maqaayad dhawaan laga furay Xeebta
liido ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha
Ciidamada Boliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Maxamed Xasan Xijaar iyo
tiro Xildhibaano ah ayaa la sheegay iney ku sugnayeen goobta qaraxa ka
dhacay waxaana la xaqiijiyay in taliyaha uu nabad qabo oo laga soo
banaadiyay goobta qaraxa uu ka dhacay.
Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.