Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Shalay Sabti ahayd waxaa magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona Masjidka Al Rahma lagu soo gabgabeeyey shirkii Jimciyadda Islaamiga ee Waqooyiga America, Islamic Association of North Ameica (IANA). Shirkan ayaa si rasmi ah uga socday magaaladda mudo labo cisho ah, Shirkan oo ah shir sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qaybgala Masaajidada ay ku midaysan yahiin jimciyadaan oo dhan ilaa 40 xarumood oo kula yaal badi goboladda ay Soomaalida ka dagan yahiin dalka Maraykanka
newsinsideWaxaana jimciyadaan la aasaasay sandkii 2001, waxayna uga wada hadlayeen sanadkaan qodobbo muhiima oo ugu hareeyaan arimahha dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaan horemarinta adeegyada dacwada, sidii loo horemarin lahaa mashaariicda masaajida loona wacyigalin lahaa dadka Muslimiinta ah ee ku nool W/ America, waxaa siminaar socday saacado lagu qaatay habka saxda ah ee loo heli karo guryo aan ribo lahayn,iyadoo qabiir arimahaa aqoon sare u leh uu shirka kala soo qaybgalay
Sheekh Yuusuf Cabdi Cabdulle oo ah agaasimaha fulinta Jimciyadda Islaamica ee (IANA) ayaa HOL u sheegayin shirkaan looga dooday arrimo badan oo ku saabsan maslaxada bulshadda, qoysaska iyo dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Maraykanka”.
Sidoo kale waxaa sannadkan shirka ka soo qaygalay marti sharaf kale oo ay kamid yihiin Hayadaha Samafalka HARO,,SAMARAADO & DILAALU SADAQA oo iyagu diyaar ah inay qayb ka noqdaan samafaladda Abaaraha Indhoolayaasha , Agoonta ku nool geeska Afrika qaasatan Soomaaliya oo aad looga hadlay shirkaan,
Sh Maxamed Mursal gudoomiyaha gudiga sare ee jimciyadda ayaa isaguna HOL u sheegay in sanadkaan ay qorshaysteen inay kaalin wax ku ool ah ka qabtaan arimahha dhalinyarada sidii wadada saxda ah loogu soo ridi lahaa ,kuwa wadooyinka ku dhibaataysan na waxii la awoodu lala garab istaagi lahaa, waxaana dajisanay qorsho sanad tijaabo ah oo arimha dhalinta xoog lugu saarayo ayuu yiri Sh Mursal.
Gabagabadii shirkaan shalay ayaa laga aqriyey bayaan ay si wadajira culumadu uga hadleen xaaladaha Maraykanaka & Soomaaliya,
HALKAN KA AQRISO BAYAANKA IANA
Warsaxaafadeed:Taariikhda November 19, 2022 Assalaamu Calaykum ww.
Waxaa manta oo ay taariikhdu tahay bisha November 19, 2022,
waafaqsan Bisha Rabiic Athani 25, 1444 kusoo gabagaboobay shirkwaynihii
kow iyo labaatanaad(21aad) ee Jamciyada Islaamka ee woqooyiga America (Islamic Association of North America. IANA). Waxaan marka hore u mahad naqaynaa Allah subxaanahu watacaalaa.
Marka labaad waxaan u mahad naqaynaa masjidka Arraxma ee Phonix, maamulkiisa,
culumadiisa, iyo jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Phoenix oo
shirka si meeqaan iyo mmaamuus wayn leh u marti galiyay.
Shirka sanadkaan waxaa diirada lugu saaray arrimaha
muhiimka u ah bulshada soomaaliyeed ee ku nool maraykaanka.
Waxaa looga hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa istiraatiigiyada
fog ee maraakista hay’ada IANA sida Dacwada, horumarinta maraakista,
dhallinyarada, arrimaha bulshada, iyo ka civic engagement
(raadinta iyo ilaalinta danaha muslimiinta).
Waxaa si aad ah loo qaadaa dhigay muhimada ay leedahay,
barbaarinta, kobcinta, iyo toosinta dhallinyarada Muslimka ah ee
qurbaha ku koray ama ku dhashay. Waxaa si aad ah looga
dooday qorshayaal iyo istiraatigiyad lugu badbaadinayo dhallinyarada
oo uu fuliyo xafiiska IANA. Waxaa la go’aamiyay in isku dubaride
arrimaha dhallinnyrada la hawl galiyo sanadka 2023 ka.
Waxaa shirka lugu soo bandhigay shaqooyinka iyo gargaarka ay
fidiyaan hay’adaha kala ah HARO, SAMRADO,
iyo SHADOW OF CHARITY. IANA waxay ku adkaynaysaa
hay’adaha gagrgaarka inay si dhaqso ah oo wax tar leh ugu
gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen, kuwa ku naafoobay,
ama ku dhawaacmay qaraxyada ay kooxaha khawaarijtu
ka gaystaan gayiga Soomaaliyeed.
IANA waxay faraysaa umada Soomaaliyeed meel
walba oo ay joogaan inay u gurmadaan walaalohooda
soomaaliyeed ee tabaalaysan.IANA waxay kula dardaarmaysaa
dawlada federlka, maamul gobaleedyada iyo ,
iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay iska kiciyaan
oo iska dulqaadaan ayagoo iskaashanaya cadawga khawaarijta
ah ee bannaystay dhiigooda, xoolohooda, iyo sharaftooda.
Waxaan u dardaarmaynaa umada Soomaaliyeed meel walba
oo ay joogaan inay Allah ha ka cabsadaan oo diintooda ilaashadaan.
Waxaan Allah uga baryaynaa umada soomaaliyeed meel walba oo ay
joogaan nabdgalyo, walaaltinimo, iyo inay diintooda ku sugnaadaan.
IANA Wabillahi Tawfiiq:Wassalamu Calaykum ww
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
































