Talaado, November, 15, 2022 (HOL) - Golaha wasiirada ee xukuumadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda dowladda ee 2023 oo tiro ahaan gaaraysa $967.7 Milyan oo Dollar.
newsinsideWasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka sheegay kulanka golaha wasiiradda in miisaaniyaddu ka duwan tahay tiro ahaan Miisaaniyaddii 2022.
Wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyadda 2023 ay xoogga ku saari doonto sare u qaadidda dakhliga gudaha, isagoo tilmaamay in la rajeynayo in uu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka markii hore ay ka ahayd $247 Milyan.
Miisaaniyadda sanadka 2023 waxay dowladdu sheegtay in la filayo in sare loo qaado adeegga daryeelka bulshada oo loo qoondeeyay 31.1% wadarta miisaaniyadda guud halka 20% loo qoondeeyay difaaca iyo amniga.
Si kastaba ha ahaatee, barlamaanka Soomaaliya ayaa la horgayndoonaa miisaaniyadda, si uu u meel mariyo.