Talaado, November, 15, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay madaxweynaha Puntland inuu doonayo inuu qabto doorasho qof iyo cod ah oo uu xukunka kusii dheeraysto.
newsinsideAxmed Ciise Cawad waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Puntland xilligan aysan u diyaarsanayn doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu sheegay inaysan jirin guddi madax bannaan ah oo la isku hallayn karo, sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumada Siciid Deni ay faraha si toos ah ugula jirto arrimaha doorashada.
“Doorasho qof iyo cod waxay u baahan tahay in sahay loo sameysto, in beri samaad lagu furo reerka. Looma baahna geeddi qarda jeex ah oo colaad huriya,” ayuu yiri Cawad.
Si kastaba ha ahaatee, wasiir hore Axmed Ciise Cawad ayaa kamid ah siyaasiyiinta caddeeyay inay u sharraxan yihiin doorashada madaxweynaha Puntland ee 2024.