Booliiska Soomaaliya oo sheegay in ammaanka suuqa bakaaraha aad loo adkeeyay lana geeyay ciidamo booliis ah

 

Sabti, Janaayo, 29, 2022 (HOL) - Ciiddanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada suuqa bakaaraha ay caadi kusoo laabatay, kadib markii suuqa la geeyay ciidamo booliis ah oo lagu adkeynayo ammaanka suuqa.

newsinsideAfhayeenka ciiddanka booliiska, Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa sheegay in labo saldhig oo booliis laga hirgaliyay suuqa bakaaraha, si buu yiri loola socdo dhaqdhaqaaqa amni ee suuqa.

"Waxaan cid kasta oo ganacsi ku leh bakaare  u sheegaynaa,  ciddii tabasho qabta oo katirsan ganacsatada suuqa bakaaraha, in ay lasoo xiriirto rugta booliis ee ugu dhow. Lama aqbali doono in amar meelo kale ka yimid lagu xiro ganacsiga " ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Afhayeenka booliiska ayaa sheegay qofkii isku daya inuu goobtiisa ganacsi ku xiro amar kale, in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, loona aqoonsandoono inuu cadowga la safan tahay.

Ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa ka cawday canshuuraad ay kusoo rogeen ururka Daacish. Waxayna ganacsadu albaabada isugu laabeen ganacsigooda iyagoo sheegay in aysan xamili karin.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online