
Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya
ayaa war saxafadeed waxa ay kasoo saareen ciidamo ka tirsan Gorgor iyo
Haramcad ah oo maanta la geeyay Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka
Hiiraan.
newsinsideWar saxafadeedka
Midowga Musharaxiinta ayaa ugu horeyn waxay ku Cambaareyeen
qalalaasahii ka dhacay Baledweyne oo ay sheegeen inuu ka dambeeyo
hurinteeda madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo.
Midowga
Musharaxiinta ayaa sidoo kale sheegay iney u arkaan tabashada reer
Hiiraan qadiyad siyaasadeed oo u baahan waan waan iyo wada xaajood
siyaasadeed, iyagoona tilmaamay iney u arkaan ciidamada maanta la geeyay
Baldweyne iney carqalad ku yihiin fursadaha nabada iyo wadahadalka.
Golaha
ayaa ugu baaqay Raysal wasaaraha Soomaaliya inuu qaato masuuliyadda kaga
aadan xaqiijinta in ciidamada laga saaro arrimaha siyaasadda,
islamarkaana loo jiheeyo la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish.
Hoos ka akhriso War saxafadeedka Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online