Cabdiqani Siciid Carab oo sheegay inuu iska casilay xiriirka kubada cagta Soomaaliya

 

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii xiriirka kubada cagta Soomaaliya, Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii, inkastoo guddiga xiriirka kubada cagta ay dhawaan sheegeen inay xilka ka qaadeen.

newsinsideGuddoomiyihii hore ee xiriirka kubada cagta ayaa sheegay inuu xilka uga tagay si meesha looga saaro khilaafka hareeyeeyay xiriirka, isagoo sheegay inuu muujiyay tanaasul uu ugu turayo jiritaanka xiriirka.

"Waxaan u tanaasulay bahda ciyaaraha Soomaaliyeed iyadoo aysan cidna i qasbeyn, shaqadana waxaa sii wadaya guddoomiye ku xigeenka Cali SHiine," ayuu yiri Cabdiqani.

Cabdiqani Siciid Carab ayaa muddo dheer hayay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, waxaana dhowaan xilka looga qaaday kadib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay musuq maasuq.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online