Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ay ka dhacdo doorashada 7 kursi oo ka mid ah 13 kursi oo dhawaan guddiga doorashada Koonfur Galbeed shaaciyeen qabashadood, kuwaas oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.
newsinsideKuraasta Maanta doorashadooda ka dhaceyso Baraawe ayaa waxaa isku diiwaan geliyay 26 Musharax oo u taagan u tartamida 13-ka kursi ee Baraawe taala oo Maanta 7 ka mid ah la dooranayo, waxaana 26,ka Musharax ka mid ah 6 Musharax oo haween ah, kuwaas oo dhamaantood shalay la gudoon siiyay shahaadada.
Goordhaw oo Maanta ah ayaa la filayaa iney si rasmi ah uga bilaabato doorashada 7-da kursi magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana ay goob joog yihiin xubno ka socda guddiga doorashada heer Fedaraal iyo kan Xalinta Khilaafaadka Doorashada.
Hoos ka akhriso liiska Musharaxiinta 13-ka kursi ee Baraawe lagu dooranayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online