
Dhallinyaradan ayaa u socday dalka Koonfur-Afrika.
Jaaliyadda iyo safaaradda Soomaalidda ee dalka Zambia ayaa iska kaashaday dadaaladii lagu sii daayay dhallinyaradaas, sida uu sheegay guddoomiyaha, isagoo intaa raaciyay in guud ahaan dhallinyarada la xiray ay ahaayeen 100, balse hadda lagu guuleystay sii deynta 42 kamid, halka sidoo kale ay socdaan dedaalo lagu sii deynayo dhallinyarada kale.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia Mudane Mohamud Mohamed oo loo yaqaano Hiiraan
newsinside“Dad aan xil kas aheyn ayaa dhallinyarada ka qaatay lacago, kaddib ka dhuunta marka ay soo geliyaan safar. Dhallinyarada waxaa ku jira kuwo da’ yar oo khatar soo geliyay nafsadooda”, ayuu yiri guddoomiyaha.
Dhinaca kale waalidiinta ayuu ugu baaqay in carruurtooda aysan u oggolaanin safarka halista badan ee tahriibka. Dhallinyaradan ayaa la sheegay in dib loogu celin doono xuduuda waddamada Zambia iyo Tanzania.
Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalidda dalka Zambia Mohamud
Mohamed (Hiiraan) ayaa ugu dambeyn xusay in inta badan ay la kulmaan tahriibayaal xaalad
adag kala kulma safarka ay usoo galayaan dalka Koonfur-Afrika.
Johannesburg