Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inuusan waxba kala soconin war xalay kasoo baxay qaar kamid ah guddigiisa doorashada.
newsinsideXubnaha guddiga doorashada ayaa xalay jir jaraaid oo ay Muqdisho ku qabteeen waxay soo jeediyeen in aysan doorashada guddoonka barlamaanka ka qeyb galin xildhibaannada lagusoo doortay degmooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.
Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa arrintaas ku tilmaamay arrin aan khusayn guddiga doorashada islamarkaana ay tahay arrin go'aankeeda uu leeyahay guddoomiyaha kumeel gaar ah ee golaha shacabka.
"Waajibaadka guddiga doorashada waa inuu hago hannaanka doorashada; Waxaan raaci doonaa oo kaliya liiska xildhibaannada ee uu noosoo gudbiyo afhayeenka golaha shacabka. Waxaa nasiib darro ah in xubnaha qaar ay ka fekerayaan xaqiiqooyin qaldan," ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka barlamaanka.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in doorashada guddoonka barlamaanku ay maanta dhacayso islamarkaana aysan u joojinayn talaabo kaste oo la isugu dayo in doorashada lagu carqaladeeyo.