5/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 30, 2021
Faahfaahin ku saabsan dagaal u dhaxeeya ciiddanka dowladda iyo kuwa Ahlsunna oo ka dhacay deegaanka Bohol
 

Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa iska hor imaad deegaanka Bohol oo 20km u jirta Dhuuso-mareeb, ku dhexmaray ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamada Dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Bohol, halkaas oo muddooyinkii dambe ay isku aruursanayeen ciidamada Ahlusunna.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay iska hor imaadka, waxaana xogaha aan helayno ay sheegayaan in dagaalku ka bilowday kadib markii ciidanka Ahlusunna ay weerar kusoo qaadeen fariisin Ciidanka dowladdu ku lahaayeen duleedka Bohol.

Dadka shacabka ah oo warbaahinta u warramay waxay sheegeen in deegaanka lagusoo garaacay hoobiyaal, waxayna maamulka Galmudug iyo dowladda federalka ku eedeeyeen in ay dagaal siyaasadeed kusoo qaadeen Bohol, oo markii hore xarun u ahayd Ahlsunna.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda deegaanka bohol ee Galmudug.

“Cadawga Galmudug waa Al-Shabaab. Dagaal kasta oo lagu qaado cid aan Al-Shabaab aheyn wuxuu ka dhigan yahay gacansiin dadban oo argegexisada la siiyo iyo doorashadii oo looga mashquulo, labada arrinna waxay dan u yihiin Villa Somalia,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu ugu baaqay hoggaanka Galmudug, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka in dirirta lagu beddelo wadahadal, abaabulka iyo awoodda ciidanna Al-Shabaab lagu wajaho iyadoo mideysan. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/30/2021 7:30 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan doorashooyinka Golaha Wakiilada.

9/30/2021 5:28 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboowday doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

9/30/2021 4:21 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciidanka Puntland ayaa xalay magaalada Garowe ku dilay sarkaal dhallinyaro ah oo katirsanaa ciiddanka badda Puntland ee loo yaqaan PMPF.

9/30/2021 2:31 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya halkaasi lagu xirxiray afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Jowhar.

9/30/2021 2:04 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada shan ka mid ah kuraasta Aqalka sare xubnaha ku matalaya gobolada Waqooyi oo gabagaba u noqonaya tirada guud ee kuraasta aqalka sare ee Somaliland oo ka kooban 11 xubnood, iyadoo shalayna la doortay lix Senatar.

9/30/2021 1:39 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa guud ahaan Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ka bilaabantay cod bixinta doorashada 6aad oo dalka horey uga qabsoontay.