3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 30, 2021
Afar Dhalinyaro ah oo magaalada Jowhar loogu xiray magaca Hiiraan State
 

Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya halkaasi lagu xirxiray afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Jowhar.

Ciidamada Booliiska Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa la sheegay in mid ka mid ah dhalinyarada oo xirna funaanad ay ku qorneyd magaca Hiiraan State, saas darteed loo xiray, iyadoo sadaxda dhalinyarada kalana ay sheegeen iney la ogaayeen.

Ehalada dhalinyarada la xirxiray ayaa Warbaahinta u sheegay in ilmahooda habeenkii xalay ahaa si gardaro ah ugu hoydeen Saldhiga degmada Jowhar.

Magaca Hiiraan State ayaa wadna qabad ku ah maamulka Hirshabeelle oo aanan laga jecleyn gobolka Hiiraan, waxaana tan iyo markii la doortay madaxweynaha Hirshabeelle oo muddo 11 bilood ah kasoo wareegatay laga diidan yahay inuu tago magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hirshabeelle ayaa mudada ay jirto waxay wajaheysay kacdoono sababay gacan ka hadal dagaal iyo banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo jiritaankeeda, taasoo keentay in Hirshabeelle horusocod ka yeelan weyso dhanka gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/30/2021 9:21 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa iska hor imaad deegaanka Bohol oo 20km u jirta Dhuuso-mareeb, ku dhexmaray ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.

9/30/2021 7:30 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan doorashooyinka Golaha Wakiilada.

9/30/2021 5:28 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboowday doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

9/30/2021 4:21 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciidanka Puntland ayaa xalay magaalada Garowe ku dilay sarkaal dhallinyaro ah oo katirsanaa ciiddanka badda Puntland ee loo yaqaan PMPF.

9/30/2021 2:04 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada shan ka mid ah kuraasta Aqalka sare xubnaha ku matalaya gobolada Waqooyi oo gabagaba u noqonaya tirada guud ee kuraasta aqalka sare ee Somaliland oo ka kooban 11 xubnood, iyadoo shalayna la doortay lix Senatar.

9/30/2021 1:39 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa guud ahaan Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ka bilaabantay cod bixinta doorashada 6aad oo dalka horey uga qabsoontay.