5/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 30, 2021
Qaramada Midoobay oo ku boorrisay dowlad goboleedyadu inay soo dhameystiraan doorashooyinka Aqalka Sare
 

Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan doorashooyinka Golaha Wakiilada.

James Swan, oo ka qaybgalay doorashadii Aqalka Sare ee Somaliland, ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulada inay bilaabaan qabashada doorashada baarlamaanka si dalku u galo doorashada madaxtooyada ka dib bilooyin dib u dhac.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhameystirka doorashada kuraasta ka harsan ee Aqalka Sare, si loogu diyaar garoobo doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowlad goboleedyada Galmudug, Hir -shabeelle iyo Jubbaland ayaa waxaa weli harsan kuraas aqalka sare ah oo aan weli la dooran, iyadoo maanta lasoo gabagabeeyay doorashada  xubnaha Somaliland ku matalaya Aqalka Sare.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah, lana soo afjaro khilaafkooda soo jiitamaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/30/2021 9:21 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa iska hor imaad deegaanka Bohol oo 20km u jirta Dhuuso-mareeb, ku dhexmaray ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.

9/30/2021 5:28 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboowday doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

9/30/2021 4:21 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciidanka Puntland ayaa xalay magaalada Garowe ku dilay sarkaal dhallinyaro ah oo katirsanaa ciiddanka badda Puntland ee loo yaqaan PMPF.

9/30/2021 2:31 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya halkaasi lagu xirxiray afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Jowhar.

9/30/2021 2:04 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada shan ka mid ah kuraasta Aqalka sare xubnaha ku matalaya gobolada Waqooyi oo gabagaba u noqonaya tirada guud ee kuraasta aqalka sare ee Somaliland oo ka kooban 11 xubnood, iyadoo shalayna la doortay lix Senatar.

9/30/2021 1:39 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa guud ahaan Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ka bilaabantay cod bixinta doorashada 6aad oo dalka horey uga qabsoontay.