5/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 30, 2021
Doorashada Kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo maanta Muqdisho lagu soo gabagabeeyay


Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboowday doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Kursiga koowaad ee doorashadii maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa ku wada tartamay laba Musharax oo kala ahaa Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullaahi Maxamed, waxaana ku guuleystay Saciid Cabdi Xuseen kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Jaamac Cabdullaahi.

Kursiga labaad ee doorashadii maanta dhacday waxaa ku wada tartamay Naciimo Xasan Xaaji iyo Muno Cumar Xasan oo aheyd Senataradii kursigaas ku fadhisay afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaana ku guuleystay kursiga Naciimo Xasan oo heshay codad gaaraya 30 cod , iyadoo Muno Cumarna ay heshay 13 cod.

Kursiga sadaxaad waxaa isna kuwada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Cabdirisaaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid, waxaana kursiga ku guuleystay Cabdirisaaq Axmed Cali kadib markii ay tanaasuleen labadii Musharax ee la tartami laheyd.

Kursiga afaraad waxaa sidoo kale loo doortay Axmed Ibraahin Maxamed oo si gacan taag ah loogu codeeyay kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa oo lagu magacaabo Baashe Maxamed Ismaaciil.

Kursiga shanaad oo ahaa kii ugu dambeeyay doorashada maanta dhacday iyo guud ahaan doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo tirada ka dhigaayay kurasiga 11-aad waxaa loo doortay Deeqo Xasan Xuseen kadib  markii ay tanaasushay Hodan Abuukar Xasan oo la tartami laheyd.

Shalay ayay aheyd markii doorashadaan wajigeeda koowad lagu doortay ilaa lix Senatar, waxaana maanta sidoo kale la doortay shantii ka harsaneyd doorashada Senatarada Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 11 Senatar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/30/2021 9:21 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa iska hor imaad deegaanka Bohol oo 20km u jirta Dhuuso-mareeb, ku dhexmaray ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.

9/30/2021 7:30 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan doorashooyinka Golaha Wakiilada.

9/30/2021 4:21 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciidanka Puntland ayaa xalay magaalada Garowe ku dilay sarkaal dhallinyaro ah oo katirsanaa ciiddanka badda Puntland ee loo yaqaan PMPF.

9/30/2021 2:31 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya halkaasi lagu xirxiray afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Jowhar.

9/30/2021 2:04 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada shan ka mid ah kuraasta Aqalka sare xubnaha ku matalaya gobolada Waqooyi oo gabagaba u noqonaya tirada guud ee kuraasta aqalka sare ee Somaliland oo ka kooban 11 xubnood, iyadoo shalayna la doortay lix Senatar.

9/30/2021 1:39 AM EST
Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa guud ahaan Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ka bilaabantay cod bixinta doorashada 6aad oo dalka horey uga qabsoontay.