4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 30, 2021
Sarkaal katirsan ciiddanka badda Puntland oo xalay lagu dilay Garowe
 

Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciidanka Puntland ayaa xalay magaalada Garowe ku dilay sarkaal dhallinyaro ah oo katirsanaa ciiddanka badda Puntland ee loo yaqaan PMPF.

Sargaalkan oo lagu magacaabo Bootaan Axmed Cowl, ayaa la dilay isagoo xalay ku safrayay bannaanka magaalada Garowe.

Illaa iyo hadda lama garanayo sababta loo dilay. Balse warar aan  helayno waxay sheegayaan in askariga falka geystay oo cabsanaa uu rasaas ku furay gaariga uu watay marxuumka.

Ciiddamada amniga ayaa ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan eedeysanaha isagoo dhaawac ah, kadib markii dilka kadib ay ciidamadu qaadeen howlgal lagusoo qabanayay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii askar katirsan ciiddanka madaxtooyada Puntand ay Garowe ku dileen gabadh dhallinyaro ah oo ahayd ardayad jaamacaddeed.

Sanadihii ugu dambeeyay inta uu madaxweyne Deni talada la wareegay, waxaa aad usii kordhayay dilalka askartu geysanayaan.

Tiro-koob maalin dhowayd lasoo bandhigay ayaa muujinayay in Garowe oo kaliya ay ciidamadu si macno la’aan ah ugu dileen 9 qof oo shacab ah muddo labo sano gudaheed ah, iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo istaagin askartii dishay.

Inkastoo maamulka Puntland uu dib u habayn ku sameeyay ciiddamada, haddana tallaabadaas wax weyn kama beddelin hab dhaqanka ciiddanka amniga.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online