4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 30, 2021
Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya oo maanta guud ahaan dadku u dareereen codbixinta doorashada 6aad
 

Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa guud ahaan Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ka bilaabantay cod bixinta doorashada 6aad oo dalka Itoobiya horey uga qabsoontay.

Codbixinta ayaa saaka abaaro 6dii subaxnimo ka bilaabantay meelo badan oo degaanka kamid ah, iyadoo dadkuna ay usoo kalaheen goobaha laga codaynayo, dadka qaar baa yimid goob doorashooyinka dhulka oo wali madaw.

Jigjiga ayaa kamid ah meelaha ay cod bixintu ka socoto, dadka codaynaya ayaa aad ugu soo badanaya goobaha ay codayntu ka socoto ee magaalada Jigjiga.

Doorashadan ayaa waxa ku tartamaya xisbiga talada degaanka haya ee Barwaaqo,Xisbiga Dimuqraadiga Soomaaligalbeed oo ah xisbi aan meelo badan ka sharaxnayn, iyo waliba murashaxiin madax banaan oon aad u badnayn.

Horey waxaa doorashadan uga hadhay xisbiyada mucaaradka kuwooda u waawayn sida ONLF iyo FEP, iyagoo u sababeeyay in kushubasho dhanka kaarasha ah ay sameeyeen xisbiga talada haya ee Barwaaqo, taa darteedna aysan doorashadan uga qayb galaynin.

Natiijada kasoo bixi doonta doorashadan ayaa ah mid lasii saadaalin karo, maadaama aysan jirin xisbiyo waawayn oo la loomaya xisbiga talada haya ee Barwaaqo.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]