4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 16, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray wareegto uu ku hakinayo awoodaha raysal wasaare Rooble
 

Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku hakinayo awoodaha raysal wasaare Rooble, kadib markii uu ku eedeeyay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka mamnuucay raysal wasaare Rooble dhammaan warqadaha kasoo baxa xafiiskiisa, gaar ahaan xil kaqaadis ama xil magacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban.

“Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xil kaqaadis ama xil magacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu raysal wasaare Rooble ku eedeeyay inuu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online