Dagaal xoogan oo ka socda qeyba ka mid ah Magaalada Muqdisho

 

Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Dagaalkan ayaa ah mid xoogan oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka socda agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

newsinsideCiidamo Booliis ah iyo kuwa Militari ah ayaa la sheegaya iney ku dagaalamayaan agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegayo iney isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu salka ku haayo murum la xiriira lahaansho dhuleed oo mudooyinkii dambe soo jiitamaayay, waxaana la sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Booliiska iyo Militariga Soomaaliya.

Wali si dhab looma ogaan karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidanka ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, maadama wali la maqlaayo rasaasta labada dhinac isku adeegsanayaan.

Lasoco wararkan waxii kusoo kordha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]