4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 16, 2021
"Marry igee ama Meherkayga isii" weedh ku baxday Dhakhtar haweenka gaar u ah oo ku yaal magaalada Harar
 

Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Dhakhtarka lagu magacaabo Marry oo ku yaal magaalada Harar oo ah dhakhtar gaar loo leeyahay ayaa waxaa usoo caafimaad raadsada dad u badan Soomaali, oo ka kala yimaadda inta badan dhulka ay Soomaalidu degto.

Haddaba dhawaan ayaa waxaan u kuur galnay xaaladda dadka Soomaaliyeed ee goobtan u yimaadda si xaaladooda caafimaad wax looga qabto, oo u badan haween.

Inta badan dadka goobtan yimaadda maadaama u badan yihiin Soomaali meelo fog ka yimaadday, waxay intooda badan degaan huteello u badan kuwa ay Soomaalidu leedahay ee ku yaal magaalada Harar.

Marka ay yimaaddaan dhakhtarkan Marry, waxaa dhacda in intooda aan aqoon luuqadda Axmaariga ay u baahdaan qof turjumaan ah, oo u kala afceliya dhakhtarkii iyo bukaankii meesha yimid, kaas oo lacag ka qaata qofkii bukaanka ahaa ee luuqaddu ku adkayd ama aan aqoon.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in haweenkii ay dhakhtarkan u aamineen si aan caadi ahayn, iyadoo la sheego inay haweenka goobtan yimaadda oo u badan kuwo la qabo ay raggooda xujo kaga dhigaan in dhakhtarkan lageeyo ama sheekaduba xumaanayso, waana midda ay ku baxday sheekada odhanaysa "Marry igee ama Meherkaygii isii".

Dhinaca kale waxaa jirta in degaanka Soomaalida ay joogaan dhakhaatiir takhasus u leh xanuunada haweenka oo lamid ah midka Harar loo tago, iyadoo aad moodo in dadku ay iska jecel yihiin in dhinacaa Harar iyo wixii ka koreeya un u tagaan xaaladaha caafimaad daro ee lasoo darista.

 

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]