4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay natiijada dooraahada degmada Ufayn
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii "qof iyo cod" ee ka dhacday degmada Ufayn ee gobolka Bari taasoo ay ku tartamayeen ururada siyaasada.

Ururka muxaafidka ah ee Kaah ayaa ku guulaystay kuraasta ugu badan doorashada, wuxuuna helay 10 kursi, taasoo ka dhigan in ururka Kaah uu yahay ururka kuraasta badan ka helay saddexda degmo.

Ururka Mideeye oo ah ururka ugu weyn mucaaradka ayaa 8 kursi ka helay doorashadan, halka ururka Sinnaan iyo caddaalad oo isna saameyn ku lahaa doorashooyinka uu helay 7 kursi.

7 dumar ah ayaa kasoo muuqday xildhibaanada cusub ee degmada Ufayn, taasoo ka dhigaysa in dumarku qoondo fiican ay ka heleen doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland ka dhacay.

Halkaan hoose ka akhriso sida codadka loo kala helay iyo magacyada xidhibaannada soo baxay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online