4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay natiijada doorashada Qardho iyo ururada ku guulaystay kuraasta ugu badan
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar iyo ururada ku guulaystay kuraasta xildhibaannada golaha deegaanka.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashadaas ay kusoo baxeen 33 xildhibaan oo 9 kamid ah ay yihiin dumar, kuwaas oo intooda badan kasoo kala baxay saddexda urur siyaasadeed ee ugu cadad badan.

Urur siyaasadeedka Kaah oo guddoomiye uu u yahay madaxweynaha Puntland, ayaa 12 kursi ka helay doorashada ka dhacday magaalada Qardho, halka ururka Mideeye oo kusoo xigay uu helay 11 kursi, sidoo kale ururka Sinnaan iyo caddalad ayaa helay 9 kursi.

In ka badan 16kun oo dadweyne ayaa doorashadan ka dhacday Qardho ka qeyb qaatay. Guddiga doorashada ayaa sidoo kale goor dhow ku dhawaaqi doona natiijada doorashoyinkii ka dhacay magaalooyinka Eyl iyo Ifayn.

Halkan ka akhriso sida ururada codadka u kala heleen:-

Kaah 5469 Cod,12 kursi

Sincad 4197 Cod,   9 kursi

Mideeye   5 173 Cod,  11 kursi

Horseed  150 cod  (0 kursi)

Shaqqalaha 29 Cod (0 kursi)

Runcad 85  Cod    (0 kursi)

Ifiye  218 Cod,  1 kursi


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online