4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay doorashooyinka ka socda Puntland
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka socota saddex degmo oo ka tirsan Puntland.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay rumeysan tahay in doorashooyinka ka socda Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo muujineysa suurtogalnimada doorashooyin guud oo dalka laga qabto.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ku bogaadisay Guddiga Ku -meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), maamulka iyo shacabka Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho toos ah.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya, iyadoo goor dhow lagu dhawaaqi doono natiijada coddaynta doorashada dowladdaha hoose ee degmooyin katirsan Puntland.

Ururka Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxweynaha Puntland ayaa illaa iyo haatan hogaaminaya guud ahaan codadka la tiriyay.

Balse, natiijada guud weli lama oga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online