3/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Tirada dadka ku dhintay dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Ahlusunna Waljamaaca oo gaartay 120 qof
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunnah Wal-jamaaca ee ka socda magaalada Guriceel, ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dilay 120-qof, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ASWJ.

Ugu yaraan 600 oo kale ayaa ku dhaawacmay dagaalka sida uu sheegay Xasan Yare oo ah sarkaal ka tirsan ururka Ahlusunna Waljamaaca, isagoo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Ahlusunna Waljamaaca qorshahooda uu yahay in ay dagaallamaan illaa askarigooda ugu dambeeya uu ku geeriyoonayo.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa sheegay in 16-askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda lagu dilay dagaalka, isagoo sheegay in 45 kalana ay kaga dhaawacmeen.

Illaa iyo hadda ma jirto cid si buuxda gacanta ugu haysa magaalada Guriceel, inkastoo ciiddanka dowladdu maamulayaan magaalada inteeda badan.

Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ay ku barakaceen ugu yaraan 100,000 oo qof. waxayna dalbatay caawimaad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/26/2021 1:31 PM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii "qof iyo cod" ee ka dhacday degmada Ufayn ee gobolka Bari taasoo ay ku tartamayeen ururada siyaasada.

10/26/2021 11:58 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii "qof iyo cod" ee ka dhacday degmada Eyl, taasoo ay ku tartamayeen ururada siyaasada.

10/26/2021 8:52 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor, ayaa sheegay in dagaalka Guriceel ka socda uu yahay mid Galmudug ku difaacayso jiritaankeeda isla markaana wuxuu ku eedeeyay garabka Ahlusunna Waljamaaca in ay diideen in ay tabashadooda si nabad ah u sheegtaan.

10/26/2021 7:55 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar iyo ururada ku guulaystay kuraasta xildhibaannada golaha deegaanka.

10/26/2021 7:12 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay, talaabada ay xukuumada Somaliland ku dhintay safarada shirkadaha diyaarada ka howlgala madaarka Cigaal ee Hargaysa.

10/26/2021 4:40 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka socota saddex degmo oo ka tirsan Puntland.

10/26/2021 3:06 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay qaar kamid ah natiijoyinka goobaha codbixinta ee doorashada golayaasha deegaanka saddex degmo oo katirsan Puntland.

10/26/2021 3:00 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan geystay oo xalay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

10/26/2021 2:13 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay xaalada magaalada ay tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo sadax maalin ee lasoo dhaafay ku dhexmaraayay gudaha degmadaasi ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

10/26/2021 2:03 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Xukuumadaha Somaliland iyo Kenya ayaa qorshaynaya in ay yeeshaan xidhiidh ganacsi oo dhexmara, iyadoo Kenya ay danaynayso in ay Somaliland suuq uga hesho qaadka Miraa oo suuqii hore ee Soomaaliya laga xayiray.