4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan geystay oo xalay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar ku qaadeen Barkoontarool oo ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo muddo socday, islamarkaana geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow ay sheegeen ineysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in dhankooda weerarka kaga yimid Al-shabaab ay ka hortageen oo ay khasaare gaarsiiyeen.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalamayaasha Shabaab oo ku aadan weerarka ay xalay ku qaadeen bartakoontarool ee ku taala degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]