4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Qaramada Midoobay oo baaq kasoo saartay xaaladda magaalada Guriceel
 

Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa Baaq kasoo saartay xaaladda  Bini’aadamnimada ee  soo cusboonaatay magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Warbixin oo kasoo baxday Qaramada Midoobaay ayaa aad walaac looga muujiyay saameynta ay dagaallada ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug ku yeesheen dadka rayidka ah.

Colaadda Guriceel ayaa sababtay in tiro ka badan 100,000 oo qof, oo u badan dumar iyo carruur, ay ka cararaan guryahooda ayagoo u firxaday tuulooyinka dhaca magaalada bannaankeeda, goobahaas oo ay ku heysato biyo yari iyo xaalado abaareed.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dadka colaadda ku barakacay ay degdeg ugu baahanyihiin gurmad bini’aadamnimo, waxayna sheegtay in ay jiraan duruufo amni iyo dhaqaali yari sababtay in gurmadku aanu u gaarin sidii loo baahnaa.

QM waxay si adag u cambaareysay falalka sababay in madaafiic ay ku dhacaan laba isbitaal oo magaalada ku yaalla, kuwaas oo sababay burbur baaxad leh iyo iney istaagaan adeegyadii caafimaad ee ay dadka u hayeen, madaafiicdan ayaa sidoo kale saameeyay xafiis ay leedahay hay’ad maxalli ah.

Warka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalintii saddexaad uu dagaal ka socdo magaalada Guriceel, iyadoo uu ka dhashay khasaare badan oo leh dhimasho iyo dhaawac ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online