Hiiraan Online
5/18/2022
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Dagaal Maalintii sadaxaad galay goordhaw dib uga qarxay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay markale uu dib uga bilaawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca.
Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu xoogiisa ka socdo dhinaca bari ee magaalada, kaasoo la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay inuu dagaalka yahay mid aad u xogan oo waliba la isku adeegsanaayo hubka culculus iyo kan darandooriga u dhaca, islamarkaana ay dareemayaan cabsi xooggani.
Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka goordhaw oo saakay ah dib uga qarxay degmada Guriceel, waxaana sidoo kale adag in la helo xogta rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca dagaalka, maaddama wali uu dagaalku socdo.
Degmada Guriceel ee gobolka galgaduud ayaa wajaheysa maalintii sadexaad oo dagaal ah, waxaana Magaalada ka go’an adeegyada bulshada muhiimka u ahaa, sida Korontada, Biyaha, Caafimaadka oo aanan aheyn kuwo shaqeynayn, taaso oo keentay in dadka deegaanku ay wajahaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah oo ka dhashay dagaalada socda maalintii sadaxaad.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Qaramada Midoobay oo baaq kasoo saartay xaaladda magaalada Guriceel
10/25/2021 3:27 PM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa Baaq kasoo saartay xaaladda Bini’aadamnimada ee soo cusboonaatay magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Somaliland oo gobolka Sanaag ka bilowday raafka dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya
10/25/2021 10:15 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay howlgalo ay ku qab qabanayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay shalay ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay in dadkaasi gobolka kaga baxaan.
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo bogaadiyay doorashooyinka ka socda Puntland
10/25/2021 7:58 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Raysal wasaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Puntland iyo shacabkeeda ugu hambalyeeyay doorashada golayaasha deegaanka ee ka bilaabatay magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.
Banaanbax looga soo horjeedo dagaalka ka socda Guriceel oo ka dhacay magaalada Muqdisho
10/25/2021 7:50 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Banaanbaxaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid looga soo horjeedo dagaalka ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo maalintii sadaxaad galay.
Cabdikariin Xuseen Guuleed: Doorashada ka socota Puntlad waxay tusaale cad u tahay in dalka laga hirgalin karo muddo kooban doorasho qof iyo cod ah
10/25/2021 5:57 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa bogaadiyay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ka socda deegaannada Puntland.
Dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada baaq kasoo saaray xaaladda bini’aadannimo ee dalka
10/25/2021 4:51 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wasaaraddaha Gar-gaarka iyo maareynta masiibooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa ka shiray xaaladaha bini’aadannimo ee ka taagan qeybo ka mid ah Soomaaliya.
Raysal wasaaraha dalka Suudaan oo xabsi guri la galiyay
10/25/2021 2:53 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in raysal wasaarahii dalkaasi Cabdalla Xamduuk la galiyay xabsi guri saakay oo isniin sida uu baahiyay Tv-ga Alxadath ee dalkaasi.
Doorashooyin qof iyo cod ah oo saakay ka bilowday deegaannada Puntland
10/25/2021 2:13 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Puntlland, waxaa saaka waaberigii ka billowday doorashooyin dadweynuhu ay codkoodu wax ku dooranayaan markii ugu horraysay 53 sano kadib, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka Puntland.
Somali News
Over 7 million people facing acute food shortage-Somali government
-
HOL
10/25/2021 8:13 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Over 7 million Somalis as facing food shortages, the Somali government has said amid ongoing drought in several parts of the country.
Fighting erupts in Guriel for third consecutive day
-
HOL
10/25/2021 2:36 AM EST
Guriel (HOL) - Fighting between government security forces and Ahlu Sunna Waljama'a has started again in Guriel for the third consecutive day on Monday morning, according to local residents.
Puntland voters cast their vote in historic 1PV local election
-
HOL
10/25/2021 1:08 AM EST
Qardho (HOL) - Tens of thousands of Puntland residents will line up to vote in local elections on Monday in three districts, marking the first time a popular election was held in Somalia in over five decades.
Lewiston City Council appoints Jama Mohamed to Ward 5 seat
-
Sun Journal
10/25/2021 12:29 AM EST
LEWISTON — The City Council on Tuesday appointed Jama Mohamed to serve as the Ward 5 representative until the end of year.
Abdi wins 40th Rotterdam Marathon in European record
-
Xinhua
10/25/2021 12:19 AM EST
THE HAGUE, the Netherlands (Xinhua) -- Somali-born Belgian athlete Bashir Abdi claimed the victory in the 40th edition of the Rotterdam Marathon in a new European record of two hours three minutes and 35 seconds on Sunday.
Detained former Al-Shabab commander says detention political
-
VOA
10/25/2021 12:14 AM EST
WASHINGTON — A former al-Shabab commander who is under house arrest in Somalia says he is being held to prevent him from seeking elected office.
Islamic State claims Uganda bomb attack
-
7News
10/25/2021 12:12 AM EST
Islamic State has claimed responsibility for a bomb attack that killed at least one person in Uganda's capital Kampala, the militant group says.
Dozens killed in fighting between Somalia army and former allied group
-
Reuters
10/25/2021 12:11 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - At least 30 people died and over 100 were injured in intensified fighting between the Somali National Army and its former ally Ahlu Sunnah Wal Jama'a (ASWJ) in the Somali state of Galmudug over the weekend, residents and hospital officials said.