6/24/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Somaliland oo gobolka Sanaag ka bilowday raafka dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya
 

Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay howlgalo ay ku qab qabanayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay shalay ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay in dadkaasi gobolka kaga baxaan.

"Umada aan Somaliland u dhalan ee gobolka joogta ee aan sharciga haysan siday dadkii hore u baxeen ee ay nabadgalyada ugu baxeen ha u baxeen baanu leenahay, qofka ka bixi waayana sharciga ayaa qabanaya" waxaa sidaa yidhi taliyaha laanta socdaalka ee gobolka Sanaag gashaanle Siciid Cige.

Badhasaabku xigeenka ahna ku simaha badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa sheegay in mudadii xukuumada Somaliland ay u qabatay bulshooyinka gobolka la saarayo ay dhamaatay, isla markaana ay amar ku qabaan in ay qabtaan cidii wali gobolka baaqi ku ah.

"14 kii cisho shalay ayay ku ekayd, maanta waajibkeenu waxa weeyi in aynu qabano cid alaaliyo cidii aan Somaliland u dhalan, cid alaaliyo cidii aan sharci ku joogin dalkan waxaad waajib u haysataan in aad qabataan, maanta laga bilaabo cidii aan u dhalan Somaliland in aad qabataan ayaad waajib qaran u haysataan" ayuu yidhi Khaliif.

Dhamaan meheradihii ay dadka reer Koonfur-galbeed ku lahaayeen magaalada Ceerigaabo, ayaa maanta oo Isniin ah albaabadu u wada xidhanyihiin, dadkii lahaa ayaa qaar koodna horayba u qaxeen iyadoo la rumaysan yahay in dadka qaar kood ay wali gobolka ku dhuumaalaysanayaan.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/25/2021 3:27 PM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa Baaq kasoo saartay xaaladda Bini’aadamnimada ee soo cusboonaatay magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

10/25/2021 7:58 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Raysal wasaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Puntland iyo shacabkeeda ugu hambalyeeyay doorashada golayaasha deegaanka ee ka bilaabatay magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

10/25/2021 7:50 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Banaanbaxaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid looga soo horjeedo dagaalka ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo maalintii sadaxaad galay.

10/25/2021 5:57 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa bogaadiyay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ka socda deegaannada Puntland.

10/25/2021 4:51 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wasaaraddaha Gar-gaarka iyo maareynta masiibooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa ka shiray xaaladaha bini’aadannimo ee ka taagan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

10/25/2021 2:53 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in raysal wasaarahii dalkaasi Cabdalla Xamduuk la galiyay xabsi guri saakay oo isniin sida uu baahiyay Tv-ga Alxadath ee dalkaasi.

10/25/2021 2:13 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Puntlland, waxaa saaka waaberigii ka billowday doorashooyin dadweynuhu ay codkoodu wax ku dooranayaan markii ugu horraysay 53 sano kadib, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka Puntland.

10/25/2021 1:58 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay markale uu dib uga bilaawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca.