4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Cabdikariin Xuseen Guuleed: Doorashada ka socota Puntlad waxay tusaale cad u tahay in dalka laga hirgalin karo muddo kooban doorasho qof iyo cod ah
 

Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa bogaadiyay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ka socda deegaannada Puntland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tallaabo ku dayasho mudan ku tilmaamay, daadajinta hannaanka dowladnimo, dimuqradiyenta iyo in shacabka dib loogu celiyo in ay go'aan ka gaaraan hogaamintooda.

“Doorashooyinka golayaasha deegaanka ee saaka looga dareeray degmooyinka Qardo, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland waa bogaadinayaa, waana talaabo wanaagsan oo dhanka dimuqradiyadda iyo dowlad wanaagga loo qaaday,” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guuleed ayaa sheegay doorashada ka socota Puntlad in ay tusaale cad u tahay in dalka laga hirgalin karo muddo kooban doorasho qof iyo cod ah, haddii uu jiro rabitaan iyo qorshe dhamaystiran oo hoggaanka dalka uu la yimaaado.

Wuxuu sheegay in doorashadani ay tahay tallaabo horumarineed iyo muunad lagu dayan karo. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in hannaanka matalaada ee doorashada tooska ah ay horey u marin karto kalsoonida shacabku ku qabaan dawladda.

Puntland ayaa 53 sano kadib noqotay meeshii ugu horraysay ee Soomaaliya ee laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, marka laga reebo Somaliland oo isku aqoonsan in ay aanay kamid ahayn Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online