6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada baaq kasoo saaray xaaladda bini’aadannimo ee dalka
 

Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wasaaraddaha Gar-gaarka iyo maareynta masiibooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa  ka shiray xaaladaha bini’aadannimo ee ka taagan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayay sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bini’aadnimo ee ay wajahayaan 7.7 milyan qof  oo Soomaali, kuwaas oo ay saameeyeen colaadaha, abaaraha, daadadka, fatahaada, cuno-yarida, go'doominta iyo nafaqo darrada.

Masuuliyiinta ayaa shirkaan kasoo saaray baaq ku saabsan sidii loogu gurmadi lahaa malaayiinka qof ee wajahaya xaaladdaha adag.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka lagasoo saaray shirka:-




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/25/2021 3:27 PM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa Baaq kasoo saartay xaaladda Bini’aadamnimada ee soo cusboonaatay magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

10/25/2021 10:15 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay howlgalo ay ku qab qabanayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay shalay ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay in dadkaasi gobolka kaga baxaan.

10/25/2021 7:58 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Raysal wasaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Puntland iyo shacabkeeda ugu hambalyeeyay doorashada golayaasha deegaanka ee ka bilaabatay magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

10/25/2021 7:50 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Banaanbaxaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid looga soo horjeedo dagaalka ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo maalintii sadaxaad galay.

10/25/2021 5:57 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa bogaadiyay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ka socda deegaannada Puntland.

10/25/2021 2:53 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in raysal wasaarahii dalkaasi Cabdalla Xamduuk la galiyay xabsi guri saakay oo isniin sida uu baahiyay Tv-ga Alxadath ee dalkaasi.

10/25/2021 2:13 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Puntlland, waxaa saaka waaberigii ka billowday doorashooyin dadweynuhu ay codkoodu wax ku dooranayaan markii ugu horraysay 53 sano kadib, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka Puntland.

10/25/2021 1:58 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay markale uu dib uga bilaawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca.