3/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Doorashooyin qof iyo cod ah oo saakay ka bilowday deegaannada Puntland


Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Puntlland, waxaa saaka waaberigii ka billowday doorashooyin dadweynuhu ay codkoodu wax ku dooranayaan markii ugu horraysay 53 sano kadib, sida  uu sheegay guddiga doorashooyinka Puntland.

Doorashadan oo ka dhacaysa saddex degmo oo kala ah, Eyl, Qardho iyo Ufayn ayaa waxaa ku tartamaya siddeeda urur siyaasadeed, kuwaas oo ku loolamaya doorashooyinka xildhibaannada golaha deegaanka (Dowladdaha hoose)

In ka badan 37 kun oo codbixiyaal ah ayaa safaf dhaadheer u galay in ay codkooda dhiibtaan, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka deegaannadu doorashooyinka ka dhacayaan, sidoo kale goob joogayaal caalami ah ayaa isha ku haya doorashada.

Degmada Qardho waxaa codkooda ka dhiiban doona 20,620 qof halka degmada Eyl-na ay codkooda ka dhiiban doonaan 8,671 qof Degmada Ufeyn ayaa sidoo kale laga diiwaangeliyay codbixiyayaal gaaraya 8,287 qof.

Madaxweynaha Puntland ayaa kamid ah dadka saakay ka qeyb qaadanaya coddaynta doorashada isagoo u ololaynaya in ururkiisa Kaah uu ku guulaysto cod bixinta.

Qaar kamid ah ururada siyaasada ayaa goor horeba jeediyay dhalleecayn ku aadan habka doorashadu u socoto, iyagoo sheegay in ay jiraan dad kaararka laga arursaday iyo kuwo loogu hanjabay in ay si khasab ah ku coddeeyaan.

Doorashada ayaa socon doonta illaa lixda maqribnimo ee caawa fiidkii, iyadoo wixii intaas ka dambeeyaa loo diyaar garoobayo tirinta codadka iyo ku dhawaaqis natiijada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/25/2021 3:27 PM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa Baaq kasoo saartay xaaladda Bini’aadamnimada ee soo cusboonaatay magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

10/25/2021 10:15 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay howlgalo ay ku qab qabanayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay shalay ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay in dadkaasi gobolka kaga baxaan.

10/25/2021 7:58 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Raysal wasaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Puntland iyo shacabkeeda ugu hambalyeeyay doorashada golayaasha deegaanka ee ka bilaabatay magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

10/25/2021 7:50 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Banaanbaxaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid looga soo horjeedo dagaalka ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo maalintii sadaxaad galay.

10/25/2021 5:57 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa bogaadiyay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ka socda deegaannada Puntland.

10/25/2021 4:51 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wasaaraddaha Gar-gaarka iyo maareynta masiibooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa ka shiray xaaladaha bini’aadannimo ee ka taagan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

10/25/2021 2:53 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in raysal wasaarahii dalkaasi Cabdalla Xamduuk la galiyay xabsi guri saakay oo isniin sida uu baahiyay Tv-ga Alxadath ee dalkaasi.

10/25/2021 1:58 AM EST
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay markale uu dib uga bilaawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca.