5/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 24, 2021
Ciyaaryahan Mo Salah oo saddex rikoor jabiyay maanta

London, UK (HOL) - Ciyaaryahanka u dhashay dalka Masar ee Mohmaed Salah una safta kooxda Liverpool ayaa maanta jabiyey saddex rikoor oo ay horay u haysteen cayaartooy kala duwan.

1. Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay oo Liverpool ka tirsan oo 10 kulan oo isku xigo goolal u dhaliyo kooxdiisa, wuxuuna xilligaan dhaliyay 15 gool 12 kulan oo uu saftay.

2. Sidoo kale Salah wuxuu hadda noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan Afrika ee taariikhda Premier League, isagoona rikoorkaas ka qaaday ciyaaryahankii hore ee kooxda Chelsea, Didier Drogba oo horay u haystay.

3. Mo Salah maanta wuxuu noqday ku dhawaad 20 sano - ciyaaryahankii ugu horeeyay oo hat-trick ama Saddex gool ka dhaliyo Garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United. 

Ciyaaryahankii ugu dambeyay ee Saddexleey ka dhalliyay Garoonkaas wuxuu ahaa Ronaldo oo ciyaar ka tirsaneyd UEFA Champions League oo dhacday 23-April-2003-dii, saddex gool ku dhalliyay Garoonka Old Trafford.

Laakiin ciyaaryahankii ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska ciyaar ka tirsan saddexleey Old Trafford ku dhalliyo wuxuu ahaa Dennis Bailey oo Queens Park Rangers (QPR) u ciyaari jiray oo bishii Janaayo 1992-dii, seddexleey ka dhaliyay Man United ciyaar ku dhammaatay 4–1 oo QPR ay ku badisay. muddadaas hadda waxaa laga joogaa ku dhawaad 30 sanno.

Dhanka kale #Ciyaar lama dhihi karo wixii maanta ka dhacay garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United oo Liverpool ay Shan Gool iyo Ebar oga badisay.

Manchester United 0-5 Liverpool

Dad badan waxay eeda ciyaartaas dusha ka saareen tababaraha rajadiisa kooxda ay xun tahay ee Ole Gunnar Solskjaer balse sida warbaahinta Ingiriiska qaarkood ay qoreen, khaladaadka ugu badan wuxuu ka yimid dhanka difaaca kooxda Manchester United gaar ahaan Harry Maguire iyo Luke Shaw oo ciyaarta daawadayaal ka ahaa xilliga uu Mo Salah “Hat trick” ama saddexleyda isku xigto uu dhalinaayay iyo waliba 14-kii daqiiqo ee ciyaarta ogu horeysay oo labo gool laga dhaliyay kooxdooda.

Xilli ciyaareedkaan waa markii ugu horeysay oo sidaas loo bahdilo Man United ama 4 gool iyo Ebar lagu mariyo wakhtiga nasashada, kadibna ay iska soo gudi waayeen.

Labadaan koox ee Manchester United iyo Liverpool waxaa muddo dheer ka dhaxeeyay xafiiltan adag oo xitaa ciyaartooyda makala iibsadaan iska daa in ay deyn isku siiyaanee.

Marka ma ahan labo koox oo laga sugaayo iney isxaan isku falaan.


Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/24/2021 2:24 PM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Maxkamada Gobolka Saaxiil ee Somaliland, ayaa xukun $20,000 oo ganaaxa ku riday laba markab oo nooca taaga loo yaqaano ee maraakiibta soo xidha ah, oo laga leeyahay dalka Togo, kadib markii lagu helay danbi ah in ay biyaha Somaliland si sharci daro ah kusoo galeen.

10/24/2021 2:13 PM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Xaaladda magaalada Guriceel ayaa deggen caawa kadib markii shalay iyo saakay ay ka dagaallo culus ku dhexmareen ciiddamada Galmudug iyo kuwa dowladda federalka oo dhinac ah iyo ciiddanka Ahlusunna Wajaamaca.

10/24/2021 9:57 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa si isku mid ah uga jawaab celiyay hadal shalay kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, kaasoo sheegay in magaalada Baledweyne uu imaanayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

10/24/2021 7:13 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Xisbiga Waddani, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeyay in ay u dhintay safarada shirkadaha qaarkood sida Flydubai, Airarabia iyo Daallo, si loo naas nuujiyo shirkado kale oo qoyska madaxweyne Biixi wakiil kayahay.

10/24/2021 6:37 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii uu qarax Sabtidii xalay ka dhacay maqaayad caan ah oo ku taalla duleedka caasimadda Uganda ee Kampala.

10/24/2021 4:29 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ku toogteen nin ay sheegeen inuu fara xumeeyay canug yar oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

10/24/2021 4:15 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Maamulka degmada Guriceel ee Galmudug ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel, ka dib dagaal xooggan oo halkaas ilaa shalay ku dhexmarayay ururka Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda.

10/24/2021 2:35 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Doorashooyinkii ugu horreeyay oo qof iyo cod ah oo golayaasha deegaanka ah, ayay Puntland markii ugu horraysay qabanaysaa, 23 sano kadib aas aaskeedii.

10/24/2021 2:07 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in mar kale saakay halkaas uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.