Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay nin ay ku eedeeyeen inuu fara xumeyay Canug Yar

 

Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ku toogteen nin ay sheegeen inuu fara xumeeyay canug yar oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

newsinsideFagaaraha toogashada ka dhaceysay ee deegaanka Booco ayaa waxaa la isugu yeeray dadka ku dhaqan deegaankaasi iney usoo daawasho tagaan xukunka toogashada ah ee lagu fulinaayay ninka lagu eedeeyay inuu fara xumeeyay canug yar.

Eedeysanaha toogashada lagu fuliyay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdishakuur Muxumed Axmed, kaasoo maxkamada Shabaab ay ku xukuntay falka dilka ah ee lagu fuliyay shalay galinkii dambe.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan ka fulisa deegaanada ay ku sugan yihiin xukuno kala duwan oo isugu jira dil, gacan goyn, iyo arrimo kale.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]