6/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 24, 2021
Guriceel : Xaaladda magaalada oo caawa deggen kadib dagaallo labo maalin ka socday
 

Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Xaaladda magaalada Guriceel ayaa deggen caawa kadib markii shalay iyo saakay ay ka dagaallo culus ku dhexmareen ciiddamada Galmudug iyo kuwa dowladda federalka oo dhinac ah iyo ciiddanka Ahlusunna Wajaamaca.

Guddoomiyaha Guriceel, Faarax Cabdi Macalin, oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, ayaa sheegay in ay guud ahaan xaqiijiyeen gacan ku haynta amniga guud ee magaalada, isla markaana wuxuu sheegay in ay haatan howlgallo ka socdaan dhinaca waqooyi ee magaalada Guriceel.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay ciiddamadu go’doomiyeen koox katirsan ciiddamada Ahlusunna oo uu sheegay in ay rasaas kasoo ridayaan dhinaca jaamacaddaha oo ah waqooyiga magaalada, halkaas oo ay isku arursadeen.

“Dhammaan dhawacyadoodii iyo maydadkii ay ka carareen magaalada ayay dhooban yihiin, khasaare xooggan ayaa soo gaaray, mana ku faraxsanin in dad Soomaaliyeed dhintaan, waayo waa dhallinyaro walaalaheen ah oo lasoo qalday,” ayuu yiri guddoomiyaha Guriceel, Faarax Cabdi Macalin.”

Ku dhawaad 30 qof ayaa ku dhintay, tiro ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaaladdii shalay iyo maanta ka dhacay Guriceel. Sidoo kalena boqolaal kun oo dadweyne ah ayaa guryahooda uga barakacay colaadda halkaas ka jirta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online


 












Click here
10/24/2021 6:50 PM EST
London, UK (HOL) - Ciyaaryahanka u dhashay dalka Masar ee Mohmaed Salah una safta kooxda Liverpool ayaa maanta jabiyey saddex rikoor oo ay horay u haysteen cayaartooy kala duwan.

10/24/2021 2:24 PM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Maxkamada Gobolka Saaxiil ee Somaliland, ayaa xukun $20,000 oo ganaaxa ku riday laba markab oo nooca taaga loo yaqaano ee maraakiibta soo xidha ah, oo laga leeyahay dalka Togo, kadib markii lagu helay danbi ah in ay biyaha Somaliland si sharci daro ah kusoo galeen.

10/24/2021 9:57 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa si isku mid ah uga jawaab celiyay hadal shalay kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, kaasoo sheegay in magaalada Baledweyne uu imaanayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

10/24/2021 7:13 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Xisbiga Waddani, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeyay in ay u dhintay safarada shirkadaha qaarkood sida Flydubai, Airarabia iyo Daallo, si loo naas nuujiyo shirkado kale oo qoyska madaxweyne Biixi wakiil kayahay.

10/24/2021 6:37 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii uu qarax Sabtidii xalay ka dhacay maqaayad caan ah oo ku taalla duleedka caasimadda Uganda ee Kampala.

10/24/2021 4:29 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ku toogteen nin ay sheegeen inuu fara xumeeyay canug yar oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

10/24/2021 4:15 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Maamulka degmada Guriceel ee Galmudug ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel, ka dib dagaal xooggan oo halkaas ilaa shalay ku dhexmarayay ururka Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda.

10/24/2021 2:35 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Doorashooyinkii ugu horreeyay oo qof iyo cod ah oo golayaasha deegaanka ah, ayay Puntland markii ugu horraysay qabanaysaa, 23 sano kadib aas aaskeedii.

10/24/2021 2:07 AM EST
Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in mar kale saakay halkaas uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.