4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Mid kamida dadka Laascaanood laga masaafuriyay oo ka waramay sidii loosoo qabtay iyo xaalkiisa
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Cabaas Samaw Maxammed Xasan oo kamid ah dadka kasoo jeeda gobolada Koonfur Galbeed ee  Soomaaliya, ee Somaliland Laascaanood ka masaafurisay, ayaa sheegay in tirada dadka la masaafuriyay dhantahay 700 oo qof oo iskugu jira rag, dumar iyo caruur.

Cabaas oo waraysi siiyay wariye Siciid Xasan Faarax, oo ka tirsan idaacada Radio Garoowe, iyo Dalmar Media, ayaa sheegay in lagu guray baabuur waaraado ah, isla markaana, lagu sii wado magaalada Gaalkacyo iyadoo ay wadaan ciidamo Somaliland ah.

"Saaka ayaa nala soo qabtay, markaa dadka xagaa qasabka lagaga soo kexeeyay baanu nahay, waxaana nalagu wadaa magaalada Gaalkacyo, waxay nagu sheegeen in aanu nahay 700 oo qof, waxaana nalagu soo qaaday 9 baabuur oo waaraado ah, waxaana nala socda ciidamo Somaliland ah" ayuu yidhi Cabaas.

Cabaas ayaa sheegay in ciidamadii soo qabtay anay u sheegin sababta wakhtigan keentay mastaafurintooda, wuxuuna intaa ku daray in hantidoodi ay Laascaanood kaga yimaadeen, isla markaana, lasoo qabtay uun iyaga oo aan waxba lagala tashan.

"Nalooma sheegin sababta nalagu soo qabtay, lakiin, dumarkii iyo dhalinyaradii magaalada ka shaqaysanayay intiiba way soo qabteen, waxaana ka kamid ahaa dadka ganacsatada ah ee magaalada daganaa, lakiin, waynaga soo qabteen, hantidaydii Laascaanood ayay taalaa waxaanu nahay dad intaaso sano daganaa oo lasoo qabtoo iyagoon waxba loo sheegin" ayuu yidhi Cabaas.

"Maya maya wax aanu ka wada hadalnay oo ay noosheegeen malaha, askar ayuunbaa nasoo qabatay" ayuu Cabaas markale u sheegay wariye Siciid, oo waydiiyay in wax laga waydiiyay masaafurintooda.

Taliyaha Booliiska Somaliland ee Gobolka Sool, oo maanta galinkii hore waraysi siiyay isla, wariye Siciid Xasan Faarax, ayaa ku sababeeyay mastaafurinta dadkan, in ay yihiin dad ajaaniib ah oo aan Somaliland u dhalan, sidaa darteedna, gobolka looga masaafurinayo.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]