4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Golaha Wakiilada Somaliland oo dalacsiiyay darajooyinka saddex degmo
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay in degmooyinka Caynaba, Talleex iyo Balli-gubadle loo dalacsiiyo darajada "B", halka markii hore ay ka ahaayeen degmooyin darajadoodu tahay "C".

11 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa golaha usoo gudbiyay mooshin ay ku doonayeen in darajada 28 degmo doorasho oo ku yaala Somaliland kor loogu qaado.

Xildhibaannada ayaa soo gudbiyay in degmooyinka kala ah Sallaxlay, Sheekh, Caynaba, Lughaya, Bali-gubadle, Taleex, Gar-adag, Xudun oo darajadoodu hore "C" u ahayd loo dalacsiiyo darajada "B"; sidookale, waxay soo jeediyeen in degmooyinka Gudmo-biyo-cas, Dilla, Baki, Bulli-xaar, Garba-dadar, Wajaale, Saba- wanaag, Daara-salaam, Madheera, Farawayne, Qoryaale, Xiis, Yagoori, Huluul, Boon, Dacarta, Widh widh, Harsheekh, Xaaji Saalax oo darajadoodu ahayd "D" loo dalacsiiyo "C".

Xildhibaannada ayaa degmada Ceel-afwayn oo hore darajadeedo "B" u ahayd soo jeediyay in loo dalacsiiyo darajada "A".

Mooshinkan ay xildhibaannadu ku codsanayeen dalacsiinta darajooyinka degmooyinka kor ku xusan oo tiradoodu dhantahay 28 degmo, ayaa badankiisu jabay, waxayna goluhu ogolaadeen kaliya dalacsiinta darajooyinka degmooyinka Talleex, Balli-gubadle iyo Caynaba oo loo dalacsiiyay darajada "B".

Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo hogaaminayay xildhibaanada mooshinka golaha hor keenay, ayaa garyaqaanada golaha ku eedeeyay in ay si aan laga fiirsan u jabiyeen mooshinka, isla markaana 3 degmo oo kaliya ay kasoo qaateen, halka ay daaqada kasaareen 25 kii degmo oo kale.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]