4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Madaxweyne Deni oo guddoomiye u magacaabay gobolka Nugaal iyo guddi qiimeeya amniga Garowe
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Nugaal, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday madaxtooyada Garowe.

Guddoomiyaha cusub ayaa loo magacaabay Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan), kadib markii madaxweynuhu kala tashaday wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa guddi 3 xubnood ah  u magacaabay dardargelinta iyo kasoo talabixinta Amniga magaalada Garowe, oo ay aad ugusoo badanayaan falalka amniga lidiga ku ah iyo dilalka rayidka.

Guddigan ayaa sameyn doona qiimeyn iyo kasoo talabixin hannaanka amniga lagu sugo, sidii loo joojin lahaa mukhaadaraadka, loona sii horumarin lahaa qosheyaasha amni ee dowliga ah.

Tallaabadan uu madaxweynuhu qaaday ayaa ka dambeysay, kadib markii dhowr habeen oo is-xigxigay Garowe lagu dilay dhallinyaro, iyadoo dilalkaasna ay qeyb kamid ah ku lug lahaayeen ciddanka.

Hay’addaha amniga ayaa lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen wax ka qabashada isticmaalka maandooriyaha oo aad ugusoo badanaya magaalada Garowe, xiriir dhowna laleh falalka amni xumada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online