4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Raysal wasaare Rooble oo Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed kala hadlay Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo guddoonka guddiga doorashooyinka  gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta iyo u diyaar garowga qabashada doorashada mudanayaasha ku matalaya Golaha Shacabka Soomaaliya gobolada Waqooyi ee dalka.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland) oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi" ayuu yiri Afhayeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed doorkii ay kasoo qaateen doorashadii kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo maalintii khamiista aheyd lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii  ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Saree e BFS, halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii  wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas" ayuu  yiri Macalimuu.

Masuuliyiinta maamulaya doorashada gobolada Waqooyi guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Raysal Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobolada woqooyi ayaa dhankooda Raysal wasaaraha uga mahadceliyay kaalintii wanaagsaneyd ee uu ka qaatay doorashadii dhacday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]