3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Wasiir Bayle "Shalay haddii aan sagxadda taagnayn, maanta illaaheey waa noo roonaaday"
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu meel wanaagsan ku socdo uuna rajaynayo in doorashada inta lagu jiro aysan samayn ku yeelan doonin hannaanka nidaamka Maaliyadda dowladda.

Wasiirka maaliyadda oo qabtay shir jaraa'id, ayaa sheegay, in mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, inta lagu jiro Doorashooyinka aysan dowladdu wax walwal ah ka qabin, ilaa dowladda cusub ay ka imaanayso.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in hadalkiisa ku saabsanaa in " Sagxada" dhaqaaluhu yaallo si qaldan loo fahmay haddana dhaqaalaha dalka uu meel wanaagsan marayo.

"Arrinta Sagxada maanlintii aan sheegay Dhul-gariir ayaa dhacay dad ayaa dabaaldeggay. Siyaasadda iyo Maaliyadda waa wada socdaan. Sagaxda Illaahay ayaa hadda nooga roonaday maanta kama walwalayo mushaaraad la bixiyo ilaaa dowlad cusub ka imaanayso". Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa xusay in kabkii Miisaaniyadda ee dowladda ay siin jireen Hey'adda Caalamiga ah iyo saaxiibadda Soomaaliya ay joogsadeen balse lacagaha mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya la siiyo ay socdaan.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda, ayaa sheegay in mashaariicdan horumarineed oo ku kacaysa hal bilyan oo dollar loogu deeqay Soomaaliya, mashaariicdaas oo lagu maalgalindoono, caafimaadka, waxbarashada, jidadka, iyo tamarta  

" Waxaa jirta lacag $1 bilyan oo doollar ah oo uu Bangiga Adduunka bixiyay, qaarna uu soo dayn doono balse waa lacag loogu talagalay kaliya mashaariicda horumarineed, sida caafimaadka iyo kobcinta dhaqaalaha" ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online

 












Click here
10/2/2021 2:16 PM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Cabaas Samaw Maxammed Xasan oo kamid ah dadka kasoo jeeda gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee Somaliland Laascaanood ka masaafurisay, ayaa sheegay in tirada dadka la masaafuriyay dhantahay 700 oo qof oo iskugu jira rag, dumar iyo caruur.

10/2/2021 10:02 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Nugaal, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday madaxtooyada Garowe.

10/2/2021 9:56 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay in degmooyinka Caynaba, Talleex iyo Balli-gubadle loo dalacsiiyo darajada "B", halka markii hore ay ka ahaayeen degmooyin darajadoodu tahay "C".

10/2/2021 8:59 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa mar kale ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda ayna sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka.

10/2/2021 8:12 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar aan la shaacin maanta oo sabti ah ugu ambo baxay dalka Imaaraatka Carabta oo kamid ah dalalka saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland.

10/2/2021 7:48 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

10/2/2021 7:26 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee Gobolka Sool, ayaa xabsiga u taxaabay Mawliid Ismaaciil Digeed oo ah wariye katirsan warbaahinta Halbeeg Media, oo ka howlgala magaalada Laascaanood.

10/2/2021 6:54 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa raafaya dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Laascaanood, sida uu taliyaha booliiska gobolka Sool warbaahinta u sheegay.

10/2/2021 2:30 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay, hadallo xanaf leh oo loogu gafay qoyska dhibanayaasha ay ka baxday Marxuumad Ikraan Tahliil.

10/2/2021 1:54 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay inay dib ula wareegaan ciidanka Ahlu Sunna degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/2/2021 12:59 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warsaxafadeed kasoo saaray xaalad kacsanaan ah oo kasoo cusboonaatay deegaanada Maamulka Galmudug, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ay la wareegeen degmada Guriceel.

10/2/2021 12:55 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca ee la wareegay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo sheegay inuusan dhicin wax dagaal ah oo ay si nabadgalyo ah kula wareegern degmada Guriceel ayaa soo saaray amaro cusub.