Hiiraan Online
12/10/2023
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Taliska Ahlu Sunna Waljameeca oo amaro cusub kusoo rogay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca ee la wareegay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo sheegay inuusan dhicin wax dagaal ah oo ay si nabadgalyo ah kula wareegern degmada Guriceel ayaa soo saaray amaro cusub.
Cali Faarax Maxamed oo ah taliyaha hoggaaminaayay ciidanka la wareegay gacan ku heynta Guriceel ayaa sheegay ineysan garoonka diyaaradaha Guriceel kasoo dagi karin diyaarad sida hub iyo ciidan oo ay mamnuuc tahay.
"Waxaan ugu baaqaya shacabka ku dhaqan Guriceel iney is dajiyaan oo aysan wax qalqal ah isgalin ciidanku waa ciidankii Ahlu Sunna Waljameeca oo idiin shaqeyn jiray" ayuu yiri Taliye Cali Faarax.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalkii shalay ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug oo isgarab sanaayay iyo ciidanka Ahlu Sunna ku dhexmaray degaanka Bohol ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, islamarkaana weerarka ay lahayeen ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug Ahlu Sunnana ay iska difaacday.
Xaalada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa Saaka oo sabti ah eh mid degan kadib markii ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca shalay galinkii dambe ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Mid kamida dadka Laascaanood laga masaafuriyay oo ka waramay sidii loosoo qabtay iyo xaalkiisa
10/2/2021 2:16 PM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Cabaas Samaw Maxammed Xasan oo kamid ah dadka kasoo jeeda gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee Somaliland Laascaanood ka masaafurisay, ayaa sheegay in tirada dadka la masaafuriyay dhantahay 700 oo qof oo iskugu jira rag, dumar iyo caruur.
Madaxweyne Deni oo guddoomiye u magacaabay gobolka Nugaal iyo guddi qiimeeya amniga Garowe
10/2/2021 10:02 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Nugaal, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday madaxtooyada Garowe.
Golaha Wakiilada Somaliland oo dalacsiiyay darajooyinka saddex degmo
10/2/2021 9:56 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay in degmooyinka Caynaba, Talleex iyo Balli-gubadle loo dalacsiiyo darajada "B", halka markii hore ay ka ahaayeen degmooyin darajadoodu tahay "C".
Beesha caalamka oo mar kale Farmaajo iyo Rooble ugu baaqday in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda
10/2/2021 8:59 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa mar kale ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda ayna sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka.
Madaxweyne Deni oo safar aan la shaacin ku aaday Imaaraatka
10/2/2021 8:12 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar aan la shaacin maanta oo sabti ah ugu ambo baxay dalka Imaaraatka Carabta oo kamid ah dalalka saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland.
Raysal wasaare Rooble oo Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed kala hadlay Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi
10/2/2021 7:48 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.
Mawliid Ismaaciil Digeed oo ah wariye ka howlgala Laascaanood oo xabsiga loo taxabay
10/2/2021 7:26 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee Gobolka Sool, ayaa xabsiga u taxaabay Mawliid Ismaaciil Digeed oo ah wariye katirsan warbaahinta Halbeeg Media, oo ka howlgala magaalada Laascaanood.
Somaliland oo masaafurinaysa dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ee ku dhaqan gobolka Sool
10/2/2021 6:54 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa raafaya dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Laascaanood, sida uu taliyaha booliiska gobolka Sool warbaahinta u sheegay.
Wasiir Bayle "Shalay haddii aan sagxadda taagnayn, maanta illaaheey waa noo roonaaday"
10/2/2021 6:08 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu meel wanaagsan ku socdo uuna rajaynayo in doorashada inta lagu jiro aysan samayn ku yeelan doonin hannaanka nidaamka Maaliyadda dowladda.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo wax laga xumaado ku tilmaamay in loo gafo qoyska Ikraan Tahliil
10/2/2021 2:30 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay, hadallo xanaf leh oo loogu gafay qoyska dhibanayaasha ay ka baxday Marxuumad Ikraan Tahliil.
Hoggaamiyaha Ahlu Sunna " Galmudug waxaa u fududaatay iney nala dagaalamaan, halkii Shabaab ay kala dagaalami lahayeen"
10/2/2021 1:54 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay inay dib ula wareegaan ciidanka Ahlu Sunna degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo baaq deg deg ah kasoo saaray xaalada Galmudug
10/2/2021 12:59 AM EST
Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warsaxafadeed kasoo saaray xaalad kacsanaan ah oo kasoo cusboonaatay deegaanada Maamulka Galmudug, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ay la wareegeen degmada Guriceel.
Somali News
President Deni appoints new Nugal governor
-
HOL
10/2/2021 5:45 PM EST
Garowe (HOL) - Puntland President Said Abdullahi Deni appointed a new governor for the Nugal region on Saturday.
Somaliland authorities detain hundreds of Somalis in mass expulsion operation targeting 'foreigners'
-
HOL
10/2/2021 5:31 PM EST
Hargeisa (HOL) - Police in the breakaway state of Somaliland have forcibly repatriated over 700 men, women and children from Las Anod, the administrative capital of the Sool region, to the Mudug region on Saturday.
International community calls on Farmajo and Roble to reconcile
-
HOL
10/2/2021 2:52 PM EST
Mogadishu (HOL) - The international community has called on Somalia's two top leaders to reconcile their differences and work towards a mediated solution to their political fallout.
Survival struggle for Somali IDPs kicked off land in Mogadishu
-
Radio Ergo
10/2/2021 7:51 AM EST
Habibo Hafow Adan, a widowed mother of eight, has been living with her children in one of two flimsy huts belonging to relatives after being forcibly evicted from their own IDP camp in the Somali capital, Mogadishu.
Ahlu Sunna blames government for ‘attack’, says ready for talks
-
HOL
10/2/2021 5:13 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Ahlu Sunna Waljamaa has accused the government of attacking them and deviating from the war against the militant group Al-Shabaab.
Somaliland VP threatens masked delegates with arrest
-
HOL
10/2/2021 2:03 AM EST
Hargeisa (HOL) - The Somaliland Vice President Abdirahman Abdillahi Ismail (Saylici) said his government is aware of the masked delegates who participated in Somalia's Upper house elections earlier this week, adding that his administration is prepared to take action.
Defiant Somali mother completes university despite husband’s threat of divorce
-
Radio Ergo
10/2/2021 1:18 AM EST
Muna Mohamed Hassan, a mother of six, graduated from university in Somaliland with a public health degree on 14 September, despite the refusal of her husband and family to support her in her educational ambition.
Biden administration condemns Ethiopia's expulsion of UN officials, warns of sanctions
-
HOL
10/2/2021 1:10 AM EST
Nairobi (HOL) - The United States has condemned a recent move by the Ethiopian government to kick out United Nations officials accusing them of meddling in their internal affairs.
Somali militia, former government ally, captures two towns from federal forces
-
Reuters
10/2/2021 12:43 AM EST
A militia previously allied to the Somali government in its fight against militant group al Shabaab has captured two towns in central Somalia from federal forces, saying it was taking control where the government had failed to end the insurgency.