6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
Ciidamo ka goostay millateriga Somaliland oo ku biiray jabhada SSC


Khamiis, November, 18, 2021 (HOL) - Ciidamo tirradoodu dhantahay 200 oo askar, oo wata 10 baabuur oo tikniko ah, ayaa ka goostay milliteriga Somaliland kuna biiray jabhada SSC ee baryo ka dagaalami jirtay bariga Somaliland.

"Ciidamada aan wataa waxay ka tirsanayeen guutada 151aad, waxayna usoo diga rogteen ciidanka SSC ee Cayn, tirrada ciidanku waa 200, gaadiidku waa 10 tikniko ah, waxaana jiri doona 3 qori oo halkan lagu soo bandhigi doono oo ay naga curyaamisay mamul ku sheega SNM" Baashe Cabdillaahi Yuusuf oo ah taliyaha ciidanka goostay ayaa sida yidhi.

Baashe ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay u shaqaynayaan SSC, waxaanu ku andacooday in gobolada barigu anay Somaliland ka mid ahayn oo Somaliland xoog ku haysato.

"Maanta go'aan kayagu wuxuu yahay in aanu u shaqayno dadkayaga  iyo dalkayaga, una shaqayno SSC, oo aanu ugu shaqayno si hagarla'aan ah, caddaalad ah iyo sinaan ah, waxaanu uga soo go'nay madama oo dadka Sool, Sanaag iyo Cayn dagaa anay Somaliland ahayn oo ay yihiin dad Somaliland kusoo duushay" ayuu yidhi Baashe.

Qaybo kamid ah dadwaynaha magaalada Buuhoodle ayaa duleedka magaalada kusoo dhaweeyay, kadib markii ay ciidanku soo gaadheen magaalada.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/18/2021 12:19 PM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saareen waxay kaga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta boob lagula kaco doorashada aqalka hoose, taasoo ay sheegeen in ay ka dhalan karto colaad sokeeye.

11/18/2021 7:20 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku booriyay madaxda siyaasadda dalka in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo in baarlamaanka federaalka la soo doorto ka hor dhamaadka sanadkan si doorashada madaxweynaha ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan.

11/18/2021 6:00 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa dib gacanta ugusoo dhigtay eedeysanayaal Argagixiso oo ka baxsaday Xabsi kuyaalla dalka Kenya, kuwaas oo hadda lagu xiray Kitui xilli ay ku sii jeedeen Soomaaliya.

11/18/2021 3:45 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Guddiga Hirgelinta Doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay shanta kursi ee ugu horeysa ee la qabanaayo doorashadooda maalmaha soo socda.

11/18/2021 2:21 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegay in guul ugu soo dhamaatay safarkiisii ku aadanaa u kuurgalida howlaha doorashooyinka.

11/18/2021 2:11 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay iney si deg deg ah u bilaabayaan maalmaha soo socda qabashada doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

11/18/2021 2:06 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay toogasho waxay ku dileen nin la sheegay inuu bastoolad ku hubeysnaa, kaaso dil u geystay ka hor inta aanan asaga la dilin nin ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdiqaadir Muudeey oo si weyn looga garanaayay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

11/18/2021 12:36 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) oo kamid ah senatoradii dhawaan dib loogu doortay aqalka sare ayaa warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ku shaaciyay inuu iska casilay kursiga mar kale loo doortay.

11/18/2021 12:32 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay labadii weerar ee lagu dilay laguna dhaawacay tiro askar iyo dad rayid ah oo ka dhacay Kampala Talaadadii.