Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegay in guul ugu soo dhamaatay safarkiisii ku aadanaa u kuurgalida howlaha doorashooyinka.
newsinsideRaysal wasaaraha ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shaaciyay xiliga uu bilaabayo maamulkiisa doorashada Golaha Shacabka.
"Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul. Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka. Dowlad goboleedyada kalena waxaan ka codsanayaa in ay dhaqso u bilaabaan" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.
Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda maamulada kale ee dalka iney si dhaqso leh u bilaabaan qabashada doorashada Golaha Shacabka, taasoo dhowr jeer dib uga dhacday waqtigii loogu talo galay in lagu qabto.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]