4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
Guddiga Doorashada Galmudug oo soo saaray liiska shanta kursi ee ugu horeysa Doorashada Aqalka Hoose
 

Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Guddiga Hirgelinta Doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay shanta kursi ee ugu horeysa ee la qabanaayo doorashadooda maalmaha soo socda.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayay ku sheegeen iney guda galayaan diiwaan gelinta Odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo ergada wax dooraneysa, si maalmaha soo socda loo bilaabo doorashada Golaha Shacabka.  

Kuraasta guddiga doorashada Galmudug soo saareen ayaa kala ah, 1. HOP 43. Huseen iidoow, 2. HOP 154 Cabdishakuur Cali Mire 3. HOP 104. Mahad Cabdalla Cawad, 4. HOP 67, Cadoow Cali Gees, 5. HOP 26. Ikraan Aadan Absuge.

Shanta kursi ee ay shaaciyeen guddiga doorashada Galmudug ayaa kusoo beegmeysa xili habeenkii xalay ahaa madaxweynaha Galmudug uu shaaciyay in sadax maalin gudahood lagu qaban doono shan ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Hoos ka akhriso Warqada Guddiga Doorashada Galmudug soo saareen:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]