4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyay xiliga ay bilaabayaan doorashada kuraasta Golaha Shacabka
 

Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay iney si deg deg ah u bilaabayaan maalmaha soo socda qabashada doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa uu qabanayo doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, islamarkaana sadax maalmood gudahood lagu qaban doono.

Waxuu tilmaamay in maamulkiisa uu u diyaar yahay qabashada doorashada, waxuuna ka dalbaday guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug iney dardar geliyaan howlaha doorashada Golaha Shacabka.

“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, ilaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale sheegay inuu raysal wasaaraha Soomaaliya uu la qeybsanaayo culeyska doorashada, isagoona ugu baaqay madaxda maamulada kale ee dalka si deg deg ah u bilaabaan qabashada doorashada Golaha Shacabka.

Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili haatan Galmudug ay u muuqaneyso iney noqon doonto maamulkii ugu horeeyay ee doorashada Aqalka Hoose bilaabaya marka laga soo tago doorashada labadii kursi ee Xildhibaanada gobolada Waqooyi, waxaana xusid mudan in maamulka Galmudug uu ahaa maamulkii ugu dambeeyay qabashada doorashada kuraasta Aqalka sare.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]