4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 13, 2021
Faahfaahin: Kulan Muqdisho ku dhexmaray R/W Rooble, Madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Danjiraha Mareykanka
 

Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo wehlinayeen madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa kulan kula qaatay maanta gudaha magaalada Muqdisho Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka waxaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka, arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaayo iyo dardar gelintooda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay wax ka qabashada arrimaha Bani'aadanimo ee ka jira dalka sida fatahaadaha uu dhawaan wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada jowhar iyo tuulooyin hoos yinaada waliba la dagaalanka Ururka Al-shabaab.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday kulamo kala duwan uu ku dardargelinaayo hirgelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]