3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 13, 2021
Duulimaadyadii diyaaradaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo dib u bilaawday
 

Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Duulimaadyadii diyaradaha Soomaaliya iyo Kenya aay si toos ah u bilaawday maantay oo Axad ah kadib markii aay hakad ku jireen muddo bil ah.

Dib u soo laabashada howlahii duulimaadyada diyaaradaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa imaaneysa kadib markii maalmo ka hor dowladda Kenya aay shaacisay in dib u fasaxday isku socodka duulimaadyada diyaaradahii isaga kala gooshayay Soomaaliya iyo Kenya.

Wasaaradaha arrimah dibadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa qoraalo kasoo kala baxay Xafiisyadooda lagu sheegay in xiriirkii labada dal ka dhaxeeyay dib loosoo celiyay.

Khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo kenya ayaa dhowr jeer oo hore sababay in hakad ku yimaadaan howlaha duulimaadyada diyaaradeed ee labada dal.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/13/2021 1:49 PM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada Baledweyne ayaa si faahfaahsan uga hadlay kulan la sheegay inuu dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

6/13/2021 1:42 PM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Mayarka caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa kursiga mayarka Hargaysa oo uu marlabaad u ordayay uga tanaasulay xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge.

6/13/2021 1:28 PM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo wehlinayeen madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa kulan kula qaatay maanta gudaha magaalada Muqdisho Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

6/13/2021 9:22 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah oo Mareykan ah loo dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan dadaallada ka dhanka ah Alshabab.

6/13/2021 9:00 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay dib u furan karto safaaraddeedii Muqdisho ayna dibloomaasiyiinteeda dib u bilaabi karaan howlahooda, taasoo ugu dambeyn soo afjari karta khilaafka labada dal.

6/13/2021 8:18 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka dalka ee uu dhawaan magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka.

6/13/2021 7:13 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL)- Maxkamada sarre ee Somaliland oo dhawaan loo gudbiyay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada, ayaa soo saartay jadwalka ansixinta golayaasha deegaaka cusub. Warbixinta ay soo saartay maxkamada sarre ayaa u dhignayd sidan:- Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online [email protected]

6/13/2021 5:22 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada Militariga Soomaaliya ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

6/13/2021 1:48 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiir ku xigeenkii Amniga maamulka Hirshabeelle Xasan Maxamed Cilmi.